“Shafik Hammami” Aniga Hadda Ma Aaminsani In Wiilkeygii Omar Hammami Ay Dileen Kooxda Al-Shabaab.

0
526

Shafik Hammami, oo ah aabaha dhalay Omar Hammami oo loo yaqaano Abuu Mansuur Al-amriki, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaanu xaqiijin karin wararka la xiriira, in wiilkiisa Ay dileen Al.shabaab.

Sidoo Kale Abu Mansur Al,Amriki Aabihiisa Shafik Hammami ayaa wuxuu Yirri, Sidan”Waxaa Saakay i soo wacay Wariye, iina sheegay warka ah in la dilay Wiilkeyga, Waannaxay waana aamini waayay, waayo marar badan ayaa warkaan oo kale la ii sheegay, Waxaan rajeynayaa, oo aan Ilaahayna ka baryayaa inuu noqdo, sida wararkii hore oo kale, oo uusan run noqon.” ayuu yiri Shafik Hammami.

Wuxuu Sidoo kale sheegay inaanu khadka teleefanka ku wada xiriiri jirin wiilkiisa, isla-markaana halka kaliya ee uu kala socdayna, ay tahay baraha Internet-yada wuxuuna ka dhawaajiyay inaanu wax feker ah ka heysan.