Wafdi uu hugaaminayo r/wasaaraha soomaaliya dr saacid oo u ambabaxey dalalka ethiopia iyo jabuuti.

0
486

Wafdigan oo maanta ka ambabaxey muqdisho ayaa waxaa hugaaminaya r/wasaare saacid waxaana ku wehliya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka c/kariim xusen guuleed iyo wasiirka gaashaandhiga fiqi iyo xubno kale.

Safarka r/wasaaraha iyo wasiirada la socda ayaa tegeya dalalka ethiopia iyo djabuuti waxeyna kala soo hadli doonaan arrimaha amniga dalka soomaaliya,iyadoo la filayo in safarkani qaato mudo afar ilaa shan cisho ah.

Waa markii ugu horeysey ee r/wasaare saacid uu dalka debediisa u baxo tan iyo markii uu noqdey wasiirka koowaad ee dalka soomaaliya,wuxuuna safarkani kusoo beegmayaa iyadoo wufuudani ay isku soo afgaran waayeen dhawaan maamul u sameynta j/hoose ururka raskamboodi ee kismaayo maamula.