Ergeyga midawga afrika u qaabilsan soomaaliya oo kulan la qaatey m/weynaha dawlada federalka somalia.

0
483

Ergeyga midawga afrika u qaabilsan soomaaliya maxamed saalax oo dalka soo gaarey ayaa kulan la qaatey madaxweynaha soomaaliya,iyagoo shirkooda kadib warbaahinta la hadley.

Ergeyga ayaa sheegey in ay madaxweynaha warbixin kasiinayey kormeero ay kusoo sameeyeen dalalka ciidamadu ka joogaan soomaaliya,ayna isku afgarteen dhamaan qodobadi ay kawada hadleen,ayna rajeynayaan in dawlada soomaaliya la garab istaagi doono.

Maahan markii ugu horeysey ee uu ergeygani muqdisho yimaado,lamana dareemo wax ka bedel imaatinkiisu keeney oo la xiriiro arrimaha amniga iyo hawlgalada ciidamada amisom.