Wararka naga soo gaaraya gobolka j/hoose magaalada kismaayo ayaa tibaaxaya in shirki kismaayo ka socdey maanta lagu ansixiyey dastuur la sheegey in lagu maamulayo jubaland state.
Gudoomiyaha shirkaas shekh maxamed ibraahin oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegey in dastuurki jubaland state laysku raacey beryaha soo socdana m/weyne ergadu doorandoonaan lamana oga sida ay u hirgelidoonto mar hadii aan dawladu raacsaneyn waxa ka dhacaya kismaayo.
Ansixinta iyo shirarka kismaayo ka socda ayaa kusoo beegmaya xili dawlada federalku ay maamul u soo dhistey gobolka gedo halka gobolka j/dhexe ay xarakada alshabaab heysato,sidaas darteed maamulgobeleedku waxa uu kusoo koobmayaa magaalada kismaayo lamana dhihi karo waa maamul ay u dhanyihiin gobolada j/land lagu magacaabey.




