Waxaa caawa fiidki la maqley qarax aad u xoog badan,kaas oo noqdey mid lagu weerarey daarti shirkada xawaalada dahabshiil,lamana oga sababta ka danbeysa qaraxan.
Iyadoo ay beryahan ay soo ifbaxayeen khilaaf soo kala dhexgaley xarakada alshabaab iyo shirkada xawaalada dahabshiil oo aan waligood murankooda la maqlin,hase yeeshee hada la sheegayo in shirkada dahabshiil ay diidey lacag ay hore u siinjirtey xarakada alshabaab,kadib markii alshabaab laga faramaroojiyey meelo badan oo ay maamulijireen.
Waa markii ugu horeysey oo dadku arkayaan dagaal nuuc kale u bilawdey oo xaga dhaqaalaha leyska weerarayo ama leyska cuuryaaminayo,mana jirto cid sheegatey in ay ka danbeyso qaraxan caawa lagu burburiyey daarti shirkada xawaalada dahabshiil.




