Qaadka oo berri muqdisho imaan doonin waa maxey sababtu?

0
477

Qaadka ayaan berri muqdisho kasoo degeyn sababo ay ku sheegeen ganacsatada uu u soo dego canshuuro lagu kordhiyey.

Qaadka oo dad badani ka ganacsadaan maalinwalbana debedda u bixiya 500.000 $ ayaa dad badani qabaan in aanu faa’iido qaranka u laheyn uuna yahey sun cagaaran oo lamid ah tan noolaha baabi’isa ayaa mar kasta waxaa ka dhasha muran xaga canshuurta ah,iyadoo ay dhawaan sheegeen dadka ka ganacsadaa in ay ku dhawaaqi doonaan dawlad goboleed la yiraa state qaad ayaan hadana la ogeyn waxa keeney murankan cusub.

Hindiseyeyaal badan ayaa tilmaamaya in qaadku qeyb ka yahey dhibaatada dalka ka jirta,halka kuwa kalena qabaan in dad badani kusii jeedaan oo hadii uu meesha ka baxo abuuri kara in ay soo jeestaan,ayna haboontahey in ay iska sii wataan hurdada iyo khiyaaliga nolosha beenta ah.