Qaar kamid ah xarumaha shirkada xawaalada dahabshiil ayaa xayiraad lagu soo rogey sida uu qorey website afka xarakada alshabaab ku hadla.
Xarumahan oo gaaraya ku dhawaad 10 oo ay maamulaan deegaanada ay ka hawlgalaan xarakada al shabaab ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay rabeen fulinta mashaariic ay wadeen hay’ado hore looga mamnuucey deegaanadaas,waxaana lawada ogyahey in xawaalada dahabshiil ay waligeedba aheyd shirkad u adeegta cid walba gaal iyo muslim,lamana oga waxa waqtigan kusoo beegey xayiraada la saarey xarumahan.
Waa markii ugu horeysey oo la mamnuuco qaar kamid ah xarumaha shirkadda dahabshiil tan iyo intii ay alshabaab iyo dhinacyo kale ku loo lamayeen awooda dalka,waxaana laga yaabaa in shirkada dahabshiil oo hore ugu hugaansami jirtey amarada alshabaab ay hada ka faa’iideysaneyso meelo badan oo lagala wareegey,ayna istiri dahabshiil alshabaab meesha ka baxdee gacmo kale raadso,shirkadaha xawaaladaha ayaa waqtigan muhiim u ah cid kasta oo meel kale laga taakuleeyo,iyadoo waliba dad badani mushaaraadkooda ka qaata shirkadaha xawaaladaha dalka iyo debedda ka shaqeeya.




