Kalfadhigii barlamaanka soomaaliya ayaa caadigiisii u hawlbilaabey iyadoo ay qaar xubnaha barlamaanka ka mid ah laga dhageystey warbixino ay kasoo diyaariyeen deegaano ay booqdeen.
Xildhibaanada oo qaarkood u kala bexeen goboladii ay kasoo jeedeen ayaa waxey soo gudbiyeen wixii baahi ah oo ay u sheegteen shacabka ay kormeereen mana jirto sida laga bartey maamuladii la soo arkey wax dhaafsiisan hadal qoraalka barlamaanka laga hor aqriyey.
Xubnaha barlamaanka oo u badan qurbajoog debedda ku nool ayaa u muuqda kuwo metelaya in ay noqdaan xubno ka bedelan xubnihii barlamaanadii hore dalka usoo marey,hase yeeshee ma heli karaan tansiilaadka dhaqaale ama awoodeed ee xubnaha barlamaanadu adduunku leeyihiin waxeyse ka tahey dadaal gaari doontide.




