Shirka dib u habeynta garsoorka soomaaliya oo muqdisho ka furmey.

0
496

Shirka dib u habeynta garsoorka soomaaliya ayaa maanta muqdisho ka furmey iyadoo ay kasoo qeyb galeen ergooyin isugu jira qeybaha bulshada xubno garsoorka waqtigan jira xubno ka socda booliska iyo nabadsugida.

Shirka oo uu ka hadley madaxweynaha soomaaliya ayaa sheegey in loo baahanyahey garsoor lagu kalsoonaan karo,arintaasina ay meel mar noqon karto marka qof walba xaqiisa helo,hadiise qof uu heysto hanti uusan laheyn aan la dhihi karin degenaansho ayaa soomaaliya ka jira.

Shirweynahan qaran oo hindisihiisa uu keeney m/weyne xasan sheekh ayaa waxaa looga danleeyahey in la adkeeyo tiirarka qaranka soomaaliya,waxaana sida loo maamuley dhaliiley axsaabta siyaasada ka jira dalka gudihiisa kuwaasoo sheegey in warqad wax lagu qorey kaliya ay kasoo bixi doonto shirkaas uusana aheyn mid wax ka bedelaya waxa maanta dalka ka jira oo caddaaladdaro ugu horeyso.