Madaxweynaha dalka soomaaliya prof xasan sheekh maxamuud ayaa la kulmey jaaliyada soomaalida ee dalka imaaraadka carabta ku nool,isagoo kala hadley qorshaha dawladu ugu tala gashey gobolada iyo degmooyinka dalka.
M/weynaha ayaa sheegey in degmo kasta ay ugu tala galeen hal ceel,hal iskuul,hal isbitaal,isteeshin boolis iyo garsoor kuligood dadka deegaanka wada ah.
Qudbada madaxweynaha oo dhinacyo farabadan taabaneysey ayaa sheegey in aan la ogolaan doonin magacyada sida beenta ah dhiigooda iyo maalkooda lagu baneysto sida waa argagixiso,waa murtad iwm.
Hadalka m/weynaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan lagu arkey dad meydad la la laayey iyadoo lagu ogaa in ay dawlada u xiranyihiin taas oo aanu marnaba m/weynuhu afkiisa soo marin tacadiga ay geysteen shaqsiyaad xoriyadooda wali heysta cid la hadasheyna aysan jirin marka laga reebo iscasilaada madaxdi ugu sareysey hey’adda nabadsugida qaranka soomaaliya.




