Maamulka raaskamboodi ee kismaayo maamula oo xabsiga dhigey taliyihii nabadsugida gobolka.

0
474

Wararka naga soo gaaraya gobolka j/hose gaar ahaan magaalada kismaayo ayaa waxaa lagu soo waramayaa in maamulka raskamboodi uu xabsiga dhigey taliyihii nabadsugida gobolka j/hoose.

Taliyaha ayaa waxaa lagu eedeeyey sida lagu soo waramayo qaraxyo ka dhacey kismaayo kuwaasoo lagu soo beegey imaatinka wafdi uu hugaaminayey r/wasaare saacid,ma jiraan wax cadeymo ah oo ay maamulka axmed madoobe soo bandhigeen,taas oo la oran karo waa eedeymo macquul ah.

Waa markii ugu horeysey ee ay maamulkaasi xabsiga dhigaan qof xambaarsan xil heerkan oo kale ah waxeyna u muuqataa in maamulka raskamboodi uu hadda isu qaatey in uu dawlad madaxbanaan yahey,mana jiraan warar dheeraad ah oo kasoo baxey hey’adda nabadsugida qaranka oo agaasimaheedi dhawaan iscasiley.