Dawlada siiralyon ayaa sheegtey in ay soomaaliya u direyso ciidamo ka qeyqaata hawlgalka amisom,ciidamadaas oo gaaraya sideed boqol ayaa tababar loo soo xirey.
Dawladda siralyone ayaa sheegtey in dawlada mareykanku ay ka caawindoonto daadgureynta ciidamadaas,isla markaana ay ka heystaan balanqaad buuxa oo mareykanku gacan uga geysanayaan sidii ciidamadaasi ay soomaaliya gaaraan,waxeyna noqoneysaa dawlada siralyone dawladii shanaad iyadoo ay hore uga joogeen ciidamo boolis ah oo aan sidaas u badneyn.
Dawladaha somaaliya uga hawlgala magaca amisom ayaa kala ah 1 ugandha,2 brundhi 3 djabuti 4 kenya iyadoo siralyone noqoneysa dawlada 5’aad ee dawladaha africa kuna hawlgala magaca AMISOM.




