R/wasaaraha somaaliya cabdi faarax shirdoon iyo wafdi uu hugaaminayo ayaa booqasho ku tagey gobolka sh/dhexe magaalada jawhar,taas oo ay beryahan ku sugnaayeen xubno barlamaanka ka tirsan oo xukuumada hore ugu hanjabey in ay xukuumada kula xisaabtamidoonaan dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku arkeen gobolka.
R/wasaaraha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya qaar kamid ah wasiiradiisa sida wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka c/kariim xusen guuleed iyo kuwo kale,wafdiga ayaa shaley kasoo galey gobolka j/hose oo ay isku soo afgaranwaayeen sidii maamul kmg ah loogu sameyn lahaa kismaayo ururka raskamboodi oo waqtigan maamula kismaayo.
R/wasaare saacid ayaa u muuqda mid soo wada arkaya gobolada dalka marka laga reebo s/land oo iyadu sheegtey in ay somalia inteeda kale ka go’dey oo ay tahey dawlad madaxbanaan hase yeeshee aan wali ictiraad aduunyada ka helin.




