Iyadoo beryahan ay ka jireen dagaalo u dhaxeeya beelaha wada dega magaalada marka ayaa waxaa qaar kamid ah xubnaha barlamaanku ku eedeeyeen xukuumada in ay gabtey ama wax ka qabanweysey dagaalada magaalada dhexdeeda ay ciidamadu isku hor fadhiyaan.
Xildhib prof. Maxamed cumar dalxa ayaa ku eedeeyey xukuumada in ay iska daawaneyso dagaalada marka ka socda aanan maanta loo baahneyn in laga aamuso waxa marka ka socda iyo abaabulka dagaal ee hada magaalada muqdisho laga dareemayo.
Dhawaan ayaa marka waxaa ka bilawdey dagaal markii hore u dhaxeeyey maamulka magaalada marka kadibna isu bedeley dagaalo salka ku haya qaab qabyaaladeysan,taas oo hadii xukuumadu talaabo ka qaado la hor istaagi karo balse hadii la eegto noqon karta mid na xasuusisa dagaaladii sokeeye iyo colaadihii la soo marey.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli r/wasaaraha iyo wasaarada arrimaha gudaha ay magaalada kusoo laabteen kana soo laabteen kismaayo oo lagu guuldareystey in lagu qanciyo raaskamboodi in dawladu dhisto maamul kmg ah.




