Wafdigii uu horkacayey r/wasaare saacid ayaa muqdisho kusoo laabtey iyagoon wax heshiis iyo is afgarad ah aan laga gaarin arrimihii ay isku hayeen maamulka raaskamboodi ee uu hugaamiyo sh axmed madoobe.
Wasiirka arrimaha gudaha oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegey in ay maamulka axmed madoobe isku afgaranwaayeen qodobo dastuurka ku qoran,taas oo u muuqata in dastuurki qolo waliba sida ay dooneyso u micneysato,ayna khalad aheyd in dawladu ay wada hadal la furto maamul aan dawladaba aqoonsaneyn.
Arintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xildhibaanada barlamaanka qaar kamid ah ay kasoo horjeedaan in dawladu maamulo kmg ah ka dhisto gobolada dalka,halka qaar kalena ay taageersanyihiin in dawladu dhisto maamullo shaqeynaya mudo lix bilood ah ayna diyaariyaan maamul ku yimaada rabitaanka shacabka ku nool gobolada ay maamulaan maamul kasta oo ay dawladu magacawdo.




