Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabelaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen xildhibaano ka tirsan dowladda Somalia kuwaas oo kulamo gooni gooni ah ku leh magaaladas.
Mudanayaasha baarlamanka ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan maamulka Magaalada Jowhar,Maamulka gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Xildhibaanadaan ayaa u kuur galaya xaaladda amaan iyo mida nololeed ee magaalada Jowhar iyo guud ahaan gobolka.
Xildhibaanada gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa kamid ah Daahir Amin Jeesow,Maxamed Amiin Xasan C/laahi,C/qaadir Cosoble iyo xildhibaano kale oo ka tirsan dowladda Somalia.
Si kastaba xildhibaanadan ayaa doonaya in safarkooda wax badan uu ka badalo xaaladda gobolka shabelaha Dhexe.




