Ka dib shir jaraa’id uu xafiiskiisa kuqabtay maareeyaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawadda Soomaaliya Cali Maxamuud Ibraahim ayaa waxaa uu faah-faahin kaga bixiyay howlaha garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho gaar ahaan dhinaca amaanka iyo arin maanta gudaha garoonakaasi ka dhacday.
Maareeyaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawadda ayaa sheegay in saaka diyaaradaha isticmaala garoonka diyaaradaha ee maagaladda Muqdisho ay kagga digeen isticmaalka garoonka muddo kooban ka dib markii laga shakiyay booyaddda qashinka suuliga looga qaado diyaaradaha garoonka taas oo ay leedahay shirkadda SKA hay’adaha amaanka markii ay baaritaano ku sameyeena la ogaaday in uuna jirin wax dhibaato ku ah garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho.
Sidoo kale Cali Maxamuud Ibraahim ayaa tilmaamay in maalin kasta ka hor inta aysan bilaaban howlaha garoonka gudaha garoonka laga sameeyo baaritaano xoogan oo ku aadan hubinta amniga garoonka maadaama uu yahay hal bowlaha dalka.
Ugu dambeyn maareeyaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawadda ayaa tilmaamay in ay raali gelin ka bixiyeen hakadkii yaraa ee saaka ku yimid howsha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Inkastoo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ay mashquul ka dhigeen howlaha duulimaadyo ee ka socda gudaha garoonka ayaa hadana waxaa bar bar socda dadaalada lagu xaqiijinayo amaanka garoonka diyaaradaha caasimada dalka si aysan u qal qal galin amaanka.




