Qarax ka dhacay Kismaayo oo dad ay ku dhaawacmeen.

0
497

Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo saaka ka dhacay xaafadda Faanoole ee magaalada Kismaayo.

Sida ay warbaahinta u sheegeen Dad goob-joogayaal ah qaraxaan ayaa ahaa Nuuca Miinada meelaha fog laga hago oo lagu bar-tilmaameedsanayay gaari Surf ah oo uu saarnaa sarkaal ka tirsan ciidanka maamulka ku-meel-gaarka ah ee Kismaayo.

Gaariga oo si xawli ah ku socday ayaan waxba ku noqon qaraxa, hase yeeshee gabar yar oo waddada hareeraheeda mareysay ayaa ku dhaawacantay qaraxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Kismaayo iyo kuwa ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa isla markiiba gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna xireen lix qof oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxa.

Dadka la xiray ayaa laga soo qabtay gudaha masaajidka Xaaji Jaamac ee ku yaalla xaafadda Faanoole.

Dhinaca kale ciidanka Kenya ayaa saaka labo miino ka saaray isgoyska Aargada ee bartamaha magaalada.