Dagaalyahanada u dagaalama gooni isu taaga gobalka Kashmiir ayaa weerar ku qaaday mid kamid ah Saldhigyada ugu waaweyn ee ciidamada Hindiya (India) ku leeyihiin gobalkaasi Kashmiir.
Shan kamid ah ciidamada Hindiya ayaa lagu dilay weerarka dagaalyahanadan ku qaadeen Saldhiga Militari ee Hindiya ee ku yaal degmada Sninagar ee gobalka Kashmiir qeybta ay gacanta ku heyso dowladaasi Hindiya.
Weerarkan ayaa imaanaya xili dib loo bilaabay dadaal lagu doonayo in dib loogu hagaajiyo xiriirka ka dhaxeeya dalalka Hindiya iyo Pakistaan oo bilihii lasoo dhaafay ciidamadooda ku kala sugan labada gobal ee Kashmiir ay rasaas isweydaarsadeen ku dhinteen askar ka tirsan labada dhinac.
Weerarkan lagu soo beegay xiligan xasaasiga ah ayaan weli la sheegan, balse dowlada Hindiya ayaa sheegtay in xiriirka ay la leedahay dalka Pakistan aan marnaba caadi kusoo noqon doonin illaa dowlada Pakistaan ay xakameenayso kooxaha la dagaalama Hindiya ee gudaha Pakistaan weerarada kasoo abaabula.




