Qaar kamid ah Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Ciise ayaa digniin u diray Dowlada Somaliland tilaabooyinka ay ka wado gobalka muranka ka taagan yahay ee Salal.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Duur ayey xildhibaanada kasoo jeeda beesha Ciise ku eedeeyeen inuu wado olole ka dhan ah beeshooda isla markaana ku doonayo inuu awood dowladeed ku muquuniyo xiisada ka taagan gobalka Salal iyo degmada Saylac.
Qaar kamid ah Xildhibaanada oo wareysi siiyey saxaafadda ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudah ee Somaliland Mr.Duur uu xiligan olole militari ka wado gobalka Si uu bay yiraaheen awood u adeegsado gadoodka shacabka qaarkood kaga soo horjeedaan natiijadii doorashadii golaha deegaanka ee ka dhacday Somaliland dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay.
Xiisada ka taagan Saylac ayaa noqotay mid sii xoogeysata waxaana dhawaan shaqaaqo ka dhacday deegaanka Salal ay ku dhinteen dhalinyaro deegaankaasi kasoo jeeda.
Xildhibaanada shirka jaraa’iid qabtay ayaa waxaa kamid ahaa Cali Aareeye oo kamid ah Xildhibaanada ugu caasan beeshaasi Ciise oo baaq u diray Madaxweynaha Somaliland inuu wax ka qabto xaalada colaadeed iyo xiisada ka taagan deegaanada Saylac iyo Lughaya.
Wuxuu sheegay Xildhibaankan in Wasiirkii Arrimaha Guddaha ee loo xil saaray xalinta shaqaaqooyinka Gobalka Salal uu sabab u noqday inuu sii huriyo xiisada isla markaana uu xiligan bilaabay aruurin ciidamo buu yiri uu ku doonayo inuu dadka ku caburiyo, xildhibaanadan ayaa sheegay inay weli lixejeclo ka qabaan amniga Soomaliland balse dhibaatada ka taagan gobalka Salal uu noqon karo xiisad saameyn ku yeelata guud ahaan Somaliland.
Qaar kamid ah Xildhibaanada loo doortay deegaankaasi ee kasoo jeeda beesha Ciise ayaa xilkooda iska casilay iyadoo xiisadana saameyn weyn ku yeelatay xidhiidhkii ka dhaxeeyey Somaliland iyo Wadanka Jabuuti.




