Wafdiga ka socda Somaliland oo maalmahan booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Qaar kamid ah Madaxda dowlada Turkiga.
Wafdiga ka socda Somaliland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa kulan la yeeshay Raysalwasaare kuxigeenka Turkiga Baker Buzdag, kuwaasi oo ka wadahadlay dhanka taageerada Dowlada Turkiga ee ku aadan deegaanka Soomaaliland.
Wafdiga Somaliland ayaa kala hadlay dowlada Turkiga sidii mashaariicda horumarineed oo ay ugu talo galashay Soomaaliya, si gaar ah qeybta Soomaaliland toos loogu fidiyo, waxaana kamid ah mashaariicda Waxbarashada oo hada kahor ardaydii Somaliland ku khasbanaadeen inay tagaan magaalada Muqdisho si loogu qaado dalka Turkiga. Wafdiga Soomaliland ayaa sheegay in arrimahan oo dhan ka aqbaleen madaxda dalka Turkiga.
Sidoo kale dhanka Duulimaadka ee shirkada Turkish Airlines ee tooska ku tagi doonta Somaliland ayaa kamid ah qodobada ay kala hadleen wafdiga Soomaaliland ee xiligan safarka ku jooga wadanka Turkiga.
Mashaariicda kale oo ay Somaliland dooneyso in wax lagala qabto ayaa waxaa ku jira kuwa dhanka Ganacsiga ah iyo mashaariicda horumarinta sida biyaha iyo dib u dhiska xarumaha Wasaaradaha Somaliland oo uu maamulka Somaliland xiligan doonayo inuu dib u dhis ku wada sameeyo xarumihii hore ee laga dhaxlay dowladii hore ee Soomaaliya.
Somaliland ayaa horey u hirgelisay deeqdii ay ka heshay dowlada Kuwaiyt oo ay ku balaarisay labada Madaar ee Berbera iyo Hargeysa, isla markaana xooga ku saartay dib u habeynta illa dhaqaalaha.
Waxaa xiligan sidoo kale dalka Turkiga ku sugan xubno kamid ah Dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay Wasiirka Warshadaha oo u jooga dalka Turkiga arrimo la xadhiidha iskaashiga ganacsi iyo horumarinta ee ka dhaxeeya labada dal ee Turkiga iyo Somaliya.




