Dowlada Iran oo maxkamad la fuuleysa Shirkad Filimaanta Soo saarta oo Maraykan ah.

0
534

Dowlada Iran ayaa si weyn uga carootay filim si weyn ugu faafay caalamka oo lagu magacaabo (ARGO) kaasi oo ka hadlaya afduubkii loo geystay Shaqaalihii Safaaradii Maraykanka ee Tehran 1979kii.

Filimkan ARGO ayaa dhawaan ku guuleystay abaalmarinta Aflaamta ee OSCAR wuxuuna ka hadlayaa sidii lagu soo badbaadiyey 6 kamid ah Shaqaalihii Safaarada Maraykanka ee Tehran kadib markii ay halkaasi la wareegeen xoogagii Kacdoonka Islaamiga ah ka sameeyey dalkaasi Iran.

Dowlada Iran ayaa filimkan ku tilmaamtay mid barobogaando loogu sameenayo Hay’ada Sirdoonka ee Maraykanka CIA iyo waliba siyaasad lagu doonayo in sumcada dalka Iran meel looga dhaco, waxayna sheegeen in ay shirkada Filimkan sameeyey ay maxkamada la tagi doonaan.

Shaqaalaha Safaarada Maraykanka ee Tehran ayaa la afduubay xiligii u dhacay Kacdoonkii Islaamiga ahaa ee Iran 1979kii, waxaana 52 shaqaalaha kamid ah dalka Iran lagu heystay muddo dhan 444 maalmood, halka lix kamid ah shaqaalaha oo si qarsoodi ah ku baxsaday ay galeen Safaarada Canada ee Tehran, kadibna halkaasi si qarsoodi ah CIA-da uga soo saareen iyagoo isticmaalaya Passaporo Canadian ah iskana dhigaya koox filimaanta Sameeya.

Kacdoonkii Iran ee xilka looga tuuray Boqorkii dalkaasi ka talin jiray Shaah oo isagu awooda dalkaasi ku qabsaday taageero uu ka helay Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa markii Kacdoonka Iran ka dhacay u baxsaday dalka Maraykanka. Kacaankii Iran ayaa xoog ku galay Safaaradii Maraykanka ee Tehran iyo dad badan oo gadoodsan oo ka codsanayey in Maraykanka uu usoo gacan geliyo Boqorkii Shaah si ay maxkamad u soo taagaan.