Burcad Badeeeda Somalida oo sii daysay La haystayaal Hindi ah.

0
508

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Gaadiidka dalka Greece 28 badmaaxiin u dhashay dalka Hindia ayaa waxaa lagu soo waramaaya in lasii daayay kadib sanad ay gacanta Burcad Badeeda ay ku jireen.

Todobaadkaan ayaa lasii daayay waxaana ay la socdeen Ragaan Hindida ah labo Markab oo laga lahaa dalka Greece oo lagu Kala magacaabo MV Royal Grace iyo MT Smrini.

Ragaan Hindida lasii daayay ayaa 17 kamid ah saarnaa Markabka MV Royal Grace halka 11 kale ay saarnaayen markabka MT Smrini waxaana Burcad Badeeda Somalida ay haysteen muddo dhan hal sanno iyadoo aan la shaacin in ay lacag ka qaateen iyo in kale.

sanadkii hore 2012 ayaa kooxaha Burcad Badeeda Somalida waxay af duubteen 269 oo Hindi ah iyadoo 236 kamid ah lasii daayay inta kalena waxay ku jiraan Gacanta Burcad Badeeda Somalida.

Source:IBTimes India