Wafdi ka socda dawlada ingiriiska oo dawlada federalka soo gaarsiiyey ajendaha shirka may ka dhici doona london..

0
475

Waxaa muqdisho yimid wafdi ka socda dalka ingriiska oo wada ajendaha shirka somaaliya iyo somaliland uga furmi doona bisha may horaanteeda london,wafdiga ayaa sida la sheegey waxey dawlada federalka u sheegeen in ajendaha oo aan wali la shaacin ay xamar u yimaadeen.

Hore ayaa loogu balansanaa shirkan u dhaxeeya soomaaliya iyo somaaliland waxaana bilaabey dawladii uu sheekh shariif m/weynaha ka ahaa lamana oga wali halka uu shirkaasi ku bilawdey iyo ujeedada wadada lagu socdo.

Waa markii labaad ee ay dawladda ingiriisku shir ugu qabato soomaalida gudaha dalkooda,lamana garanayo ujeedada ay ingriiska ka rabaan heshiisyada ay qabanqaabiyeen iyo dublamaasiyada ay ciyaarayaan,waxaana la filayaa in shirkan hada loo balansanyahey la ogaan doono meesha loo socdo iyo halka laga soo dhaqaaqeyba.