Sarifka dolarka oo kor u kacey gaareyna mar qura 18,000. Sh so.

0
477

Waxaa mar qura cirka isku shareerey sarifka dolarka iyadoo beryahan ay qeylo dhaan ka soo yeereysey shacabka danyarta ah kuwaasoo waxba gadanwaayey marki boqolka dolar gaartey 1.300,000 oo sh so.

Waxyaabaha keenaya is bedelada sida xawligaa ku socda waxaa loo aaneeyaa tiro dad kooban oo sarifka sidey doonaan ka yeeli kara kuwaasoo marna shillinka hakiya marna dolarka iyo iyadoo aaney jirin dawlad ku xisaabtameysa dhibaatada shacabka islamarkaana bankiga dhexe uu illaaliyo lacagaha iyo isbedelkooda.

Waa markii ugu horeysey ee sidan oo kale uu qiimaha sarifku hoos ugu dhaco ama kor ugu kaco,waana arrin walaac farabadan muujineysa marka la eego shacabka danta yar,mase jirto madax iyo masuuliyiin ku xisaabtamaya hawlahan lacageed oo sarifkoodu nolosha in badan galaafan karo,ama badbaadin karo.