Madaxweyne gurguurte oo qiimaha dolarka hoos usii dhigey halkii danyartu ka fileysey in uu u naxariisto…

0
513

Madaxweynaha dalka soomaaliya prof. Xasan sheekh gurguurte ayaa maanta sheegey in qiimaha doolarku marayo sadex iyo toban kun isagoo dolarku marayo 14.500 sh so halki dolar,taas oo markiiba ka dhigtey in sarifku raaco hadalka madaxweynaha.

Waxey aheyd lama filaan markii danyartu hadalkan maqashey ayey aad uga naxeen iyagoo sugayey in madaxweynuhu la hadlo ganacsatada oo uu ka codsado in ay dadka u naxariistaan qiimaha maciishadana dhimaan si doolarka iyo maciishada isu raacaan dadka danyartana loogu daneeyo taas mid ka bedelan ayaa m/weynaha kasoo yeertey oo ah wixii dhib hayo halla dhameystiro.

Madaxweynaha ayaa maanta hadalkan sheegey isagoo ku sugan qasriga madaxtooyada villa soomaaliya waxuuna hadalkani kusoo beegmayaa iyadoo ay dad badan oo danyar ah ay heysato dhibaato xaga maciishada iyo dolarka oo aan isu dheelitirneyn.