Doorashada dalka kenya oo la sheegayo in uhuro kenyata uu ku horeeyo codadka la tiriyey.

0
455

Waxaa lagu soo waramayaa in uu ku horeeyo codadka la tiriyey ilaa hada uhuru kenyata,iyadoo ay soo baxayaan shaki ka imanaya isbaheysiga dhanka kale ee jublii ee uu horkacayo reyla odinga iyo koloso misiyoko,ayna sheegayaan in codadka lagu lugu shubtey.

Doorashadan doorashadii ka horeysey ayaa gelisey dalka kenya khal khal siyaasadeed iyo dagaalo sokeeye,taas oo keentey in ay ku nafwaayaan kumanaan qof lana gubo tuulooyin badan isla markaana faragelin caalamka kadib lagu heshiiyey awood wadaag ay hada ku dhisantahey dawlada kenya.

Doorashooyinka waqtigan wey ka bedelanyihiin kuwii kol hore sababtuna waa maxkamada aduunka oo dacwado kusoo oogtey dadka lagu tuhmayo in ay qeyb ka ahaayeen dagaaladii dalka kenya ka dhacey 2007dii,waxeyna dhinacyadu hada ka baqayaan in maxkamadeyntu saameyn ku yeelato haddii xitaa ay hadallo kulkulul isticmaalaan oo xaga shacabka ah.