Gudoomiye ku xigeenka maamulka magaalada kismaayo ayaa ka hadlay sida loo dhamaystiri lahaa khilaafka iyo mad madowga ka dhex jira iyaga iyo dowladda dhexe. Mas’uulkan ayaa ku nuux nuuxsaday in la dhameyn doonno murranka ka taagan arrimaha maamul u samaynta jubbooyinka oo maalmihii dambe noqotay hadal haynta ugu badan ee maamul u samaynta gobollada dalka somalia. Dowladda dhexe somalia ayaa ku fashilantay tiro dhowr jeer ah maamul u samaynta jubbooyinka oo haatan ay isku garbinayaan awoodo hubaysan iyadoo gacmo shisheeye ay gadaal ka rìixayaan. Jubbooyinka ayaa ah deegaan qabiilo badan oo somali ah ay degaan laakin hogaamiyaha jabhadda raas kambooni axmed madoobe ayaa doonaya in qaab qabiil uu ku qabsado maamulka jubbooyinka taas oo ay ka hor imaadeen dhamaan qabiilada dega jubbooyinka iyo dowladda somalia.




