Labo qarax oo isxig xiga ayaa indian oshian agagaarka xeebta liido ka dhacey,qaabka ay wax u dhaceen!!

0
491

Waxaa maanta ka dhacey indian occian oo kutaal agagaarka liido labo qarax oo aad u xoog badan kuwaasoo ka kala dhacey gudaha baarka iyo afaafka hore ee baarka iyadoo ay kala fuliyeen nin is qarxiyey iyo gaari walxaha qarxa laga soo buuxshey uu ku qarxey afaafka hore ee baarka.

Qasaaraha ay geysteen ayaa lagu soo sheegayaa dhaawacyo gaaraya ilaa toban qof marka laga reebo qofki isqarxiyey,waxaana sidoo kale jira burbur hantiyeed oo baarka soo gaarey,ilaa iyo hadana ma jirto cid sheegatey qaraxyadaas maanta dhacey.

Waa markii labaad ee agagaarka liido qaraxyo lala beegsado , haseyeshee waxaan la ogeyn sababaha ka danbeeya waxa loo beegsanayo maqaayadaha iyo goobaha ay dadku isugu soo ururaan,qaraxan kii ka horeeyey ayaa waxaa sheegtey xarakada alshabaab,waana joogto qaraxyada muqdisho ka dhaca.