Maxkamad darajada koowaad ee puntland ayaa xukun ku ridey dad ka badan toban ruux oo uu kamidyihiin saraakiisha hugaamisa xarakada alshabaab,iyadoo lagu eedeeyey dilki allaha u naxariistee sh c/qaadir nuur faarax sh c/qadir gacamey.
Maxkamada ayaa waxey dil toogasho ku xukuntey dhawr qof oo qaarkood aan maxkamada la horkeenin,kuwaas oo uu kujiro hugaamiyaha xarakada alshabaab axmed cabdi godane oo kumagac dheer Abuzubeyr,xukunkan ayaan aheyn mid dadku ay ku qancaan ama go’aanku uu yahey mid dadka loogu laab qaboojinayo,hase yeeshee aysan wax ficil ah aysan ku fullin karin madaxda alshabaab oo ay horebe reer galbeedku dul dhigeen madaxooda lacag milaayiin doolar ah,taas oo u muuqata mid iyaduna caalwaa loo yiri ee aan waaqic sax ah aheyn.
Xukunka ay maxkamada darajada koowaad ee puntland maanta ku dhawaaqdey ayaa ku soo beegmaya xilli hugaamiyaha puntland c/raxmaan faroole uu abaabuley banaanbaxyo looga soo horjeedo dilalka iyo xarakada alshabaab,kana iclaamiyey dagaal ka dhan ah xarakada alshabaab,kadib markii si lama filaan ah loo dilley shekh caan ka ah gudaha dalka soomaaliya sh- c/qadir gacamey allaha u naxariistee.




