“Sh.Xudayfa”Kenya Waa Ay Ku Guuleesatay Dantii Ay Ka Laheed Magalada Kismaayo.

0
503

Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa ka hadashay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose, kaasoo udhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Raaskambooni oo qaab beel ah u dagaalamay.

Wakiilka Al-Shabaab ee Jubooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in dagaalka Kismaayo uu muujinayo sida Kenya ay ugu guuleysatay inay meesha ka saarto ammaankii iyo kala dambeyntii.
Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaasheegay inuu fashilmay qorshihii maamul u sameynta, waxaana uu xusay in aan marnaba lagu guuleysan dooninmaamul loo dhiso deegaanada Jubooyinka.

Sheekh Xudeyfa Ayaa Waxaa uu ku eedeeyay Ciidamada Kenya inay magaalada ay ku garaaceen madaafiic, isla markaana dad shacab ah uu qasaare ka soo gaaray sida uu shegay.

Waxa Uu Sidoo kale xusay in dadka deegaanka ay tabeen maamulkii iyo nidaamkii ka jiray halkaas oo uu xusay inuu ku suura galay gacanta Mujaahidiinta, ayna muddo ku naaloonayeen degenaasho iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Hadalka ka soo yeeray wakiilka Al-Shabaab u qaabilsan Jubooyinka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalmihii u dambeeyay khilaaf weyn uu kataagnaa qorshe maamul goboleed loogu sameynay Gado Iyo Jubooyinka

(W/D.Axmed Cabdi Axmed) {Axmed Saacid}