Waxaa maanta dalka ka dhoofey wafdi uu hugaaminayo c/lahi ciilmooge xirsi ayaa maanta dalka ka dhoofey isagoo ku sii jeeda dalka spain.
Wasiirka oo la filayo in uu soo qabto hawlo dawlada soomaaliya isagoo markii uu garoonka ka dhoofayey saxaafadda la hadley ayuu sheegey in uu dalal badan soo maridoono.
Wasiir ciilmooge ayaa ah nin aad u daneeya maamul u sameynta gobolada jubooyinka,hase yeeshee lama oga waxa keeney in uu debedda aado,iyadoo la filayo in kismaayo ay xukuumadu ka qeybgeleyso shirka maamul u sameynta gobolada jubooyinka,ciilmooge ayaa ah nin caadifi ah aaminsana in qabiilka uu kasoo jeedo leeyahey magaalada kismaayo,waxeyna u badantahey in arrimo la xiriira dabeecadiisa in shirka spain lagu boojeeyey.




