Wasiirka arrimaha gudaha c/kariim xuseen guuleed ayaa ka degey magaalada garoowe si uu uga qeyb galo aaska sh c/qaadir gacamey,isagoo maalintii ka horeysey safarkiisan garoowena tegey magaalada guriceel,taas oo u muuqata in wasaarada arrimaha gudaha,iyo wasiirkuba in ay arrimo siyaasadeed ku jiraan waxaa daliil u ah wasaarada iyo wasiirku marna ma soo hadalqaadin wasiirki hore ee arrimaha gudaha avv. Maxamed cabdulle bacadle oo dhawaan ku geeryoodey magaalada nairobi.
Waa hubaal in ay dawlada iyo wasaaraduba ay sumcad kala kulmayaan safarada wasiirka arrima gudaha uu ku tageyo gobolada dalka,waxeyna wasaaradu wadaa qorshe dib u dhis maamul oo ay gobolada iyo degmooyinka dalka,waxeyse dadku indhaha iyo dhegaha u taagayaan bal in ay soo baxdo fursadi uu wasiirku somaliland ku tegi lahaa.




