Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ansixiyay qorshe saddex marxaladood ah oo lagu dhimayo, ugu dambayna lagu soo afjarayo howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo digniin laga muujiyay in bixitaan degdeg ah oo aan si wanaagsan loo qorshayn uu fursad siin karo kooxda Al-Shabaab inay dib ula wareegto magaalooyin istaraatiiji ah iyo waddooyin muhiim u ah isku socodka iyo saadka ciidamada.
Sida ku cad war-murtiyeedka golaha, qorshaha kala-guurka ee AUSSOM waxaa loo qaybiyay saddex marxaladood oo is xiga, kuwaas oo lagu saleeyay dhimista ciidamada iyo in mas’uuliyadda amniga si tartiib ah loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.
Marxaladda koowaad ayaa soconaysa inta u dhexeysa Nofeembar iyo Diseembar 2026, halka marxaladda labaad ay bilaabanayso Janaayo 2027, kuna eg tahay Diseembar isla sannadkaas.
Marxaladda saddexaad ayaa daboolaysa muddada wixii ka dambeeya 2027, iyadoo qaabka cusub ee iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika aan weli si rasmi ah loo go’aamin.
Goluhu wuxuu adkeeyay in kala-guurka ciidamada uu noqdo mid qorshaysan, isku dubbaridan, isla markaana ku dhisan qiimeyn amni, halkii uu ku salaysnaan lahaa oo keliya duruufaha dhaqaale.
Qodobka ugu weyn ee war-murtiyeedka ayaa ahaa digniinta ku saabsan khatarta ka dhalan karta bixitaan degdeg ah oo aan la socon qorshe amni oo mideysan.
Goluhu wuxuu sheegay in dhimista ciidamada oo ay sabab u tahay dhaqaale yari, halkii ay ka ahaan lahayd qorshe kala-guur oo si wadajir ah loo dejiyay, ay abuuri karto firaaqo amni oo ay Al-Shabaab ka faa’iidaysan karto.
Wuxuu ka digay in xaaladdaasi ay kooxda u sahli karto inay dib ula wareegto magaalooyin muhiim ah iyo waddooyinka waaweyn ee saadka, taas oo halis gelin karta guulihii amni ee sannado badan la soo gaaray.
Digniintan ayaa imanaysa xilli maalgelinta howlgalka AUSSOM ay weli wajahayo hubanti la’aan, iyadoo Midowga Afrika uu hore u sheegay in loo baahan yahay dhaqaale lagu qiyaasay 190 milyan oo doollar si loo suurtageliyo kala-guurka howlgalka iyo taageerada ciidamada.
Goluhu wuxuu ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika iyo saaxiibbada caalamiga ah inay bixiyaan taageero dhaqaale iyo mid saadka ah oo lagu xaqiijinayo sii socoshada howlgalka.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa sidoo kale ka codsaday Guddiga Midowga Afrika inuu bilaabo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xaqiijinayo kordhinta waajibaadka UNSOS, oo ah hay’adda Qaramada Midoobay ee bixisa taageerada saadka ee howlgalka AUSSOM.
Codsiga ayaa ah in waajibaadka UNSOS la gaarsiiyo 31-ka Diseembar 2027, iyadoo la siinayo agabka iyo dhaqaalaha ku filan ee lagu taageerayo dhimista iyo kala-guurka ciidamada.
War-murtiyeedka ayaa bogaadiyay howlgallada ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa AUSSOM, kuwaas oo ay ka mid yihiin hawlgallada loogu magac daray Silent Storm iyo Rolling Thunder.
Sidoo kale, goluhu wuxuu xusay in shan goobood oo ay hore u maamulayeen ciidamada howlgalka Midowga Afrika lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya, taas oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.
Sida ay warbixintu xustay, waxaa jira muran la xiriira muddo-xileedka hay’adaha dowladda, kaddib markii Maxkamadda Sare ay go’aan ka gaartay muddo-xileedka madaxweynaha, halka dowladda Federaalka ay diidday go’aankaas.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka si toos ah ugama hadlin khilaafaadkan, balse wuxuu ku baaqay in dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed ay muujiyaan diyaar u ahaanshaha wadahadallo joogto ah oo lagu gaarayo is-afgarad loo dhan yahay, laguna xaqiijinayo hannaan siyaasadeed oo lagu kalsoonaan karo.













