Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in laba horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay, laba kalena lagu dhaawacay howlgal qorsheysan oo ay ciidamadu ka fuliyeen gobolka Hiiraan.
Bayaan ay NISA soo saartay ayaa lagu sheegay in howlgalka, oo dhacay 26-kii Nofeembar, laga fuliyay deegaanka Shaw, iyadoo ay hay’addu sheegtay in ay kaashanayeen saaxiibada caalamka.
NISA ayaa sheegtay in horjoogeyaasha la dilay ay kala ahaayeen Cabdullaahi Maxamuud Abuukar, oo loo yaqaan Abuu Khaalid, kaas oo hay’adda ay ku tilmaantay madaxa maleeshiyaadka Xisbada ee degmada Raaga-Ceelle, iyo Ayuub oo ahaa madaxa maleeshiyaadkaas ee deegaanka Afarta Tuulo.
Sida lagu sheegay bayaanka, howlgalka waxaa sidoo kale lagu dhaawacay Macallin Mursal, oo kooxda u qaabilsanaa beeraha iyo kanaallada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyo Faysal oo hay’adda ay sheegtay inuu mas’uul ka ahaa maleeshiyaadka Xisbada ee degmada Jalalaqsi.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in horjoogeyaasha la beegsaday ay dhowaan soo dhammaysteen tababar muddo lix bilood ah oo ay ku qaateen deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu dhacay xilli horjoogeyaashu ay qorsheynayeen tallaabooyin ay ku dhibaateyn lahaayeen shacabka, gaar ahaan dadka ku hawlan wax-soo-saarka beeraha.
Hay’adda ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ku baaqday in shacabka ay la wadaagaan macluumaadka la xiriira khataraha amni iyo dhaqdhaqaaqyada kooxda.













