Maamul Goboleedka Jubaland oo ka Horyid Xiriirka Loo Jaray Dawladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

0
8

Jubbaland ayaa si adag uga horyimid baaqyada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee la xiriira xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuusan awood u lahayn inuu keligiis go’aan ka gaaro xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland, Mukhtaar Sheekh oo ka hadlayay kulan lagu taageerayay Imaraat-ka oo ka dhacay Kismaayo, ayaa sheegay in Imaaraadka Carabtu uu Soomaaliya garab istaagay xilliyadii adkaa, gaar ahaan burburkii dowladdii dhexe kaddib, isagoo xusay in dalkaasi uu door ku lahaa taageerada ganacsiga iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Wuxuu sheegay in dekedda Muqdisho ay ku xiran yihiin 12 markab iyo 10 doon oo Imaaraadka ka yimaada, taasoo uu tusaale ugu soo qaatay xiriirka ganacsi ee labada dhinac, isaga oo su’aal geliyay sababta loo doonayo in la jaro xiriirkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in Imaaraadku uu mashaariic kala duwan ka fuliyay Jubbaland, gaar ahaan dib-u-habaynta dekedda Kismaayo, oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah dekedaha muhiimka u ah dhaqaalaha Soomaaliya.

Wuxuu xusay in taageerada Imaaraadku aysan ku koobnayn dekedda, balse ay sidoo kale ka mid yihiin hirgelinta nidaamyada tamarta cadceedda ee xarumaha muhiimka ah, taageerada waxbarashada iyo mashaariic kale oo bulshada wax ka taray.

Mukhtaar Sheekh ayaa sheegay in dib-u-habaynta dekedda Kismaayo ay abuurtay fursado shaqo, isaga oo tilmaamay in ku dhowaad 500 oo qof ay maanta ka shaqeeyaan dekedda, halka nidaamyada tamarta cadceedda ay wax ka qabteen baahiyaha korontada ee xarumaha qaar.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu shacabka Muqdisho ugu baaqay inay ka fiirsadaan baaqyada lagu doonayo in xiriirka Imaaraadka la jaro, isagoo ku dooday in tallaabadaasi ay dhaawici karto danaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee Soomaaliya.

Mukhtaar Sheekh ayaa dhaliilay hoggaaminta Xasan Sheekh, isagoo ku eedeeyay inuu arrimaha xiriirka dibadda u adeegsanayo dano gaar ah, wuxuuna sheegay in madaxweynaha waqtigiisa siyaasadeed uu dhammaaday, isla markaana uusan keligiis go’aamin karin xiriirka Soomaaliya iyo dalalka kale.