Halka Laga Dhisayo Saldhigga Hawada Sare ee Soomaaliya oo Ciidamada Dawlada Turkigu Baahiyeen.

0
2

Ciidamada Milatariga Turkiga ayaa 22-kii November baahiyey muuqaal suurageliyey in la ogaado goobta uu Turkigu ka dhisayo saldhigga hawada sare (Spaceport) ee Soomaaliya.

Muuqaalka ayaa lagu soo bandhigay booqasho uu Soomaaliya ku yimid Taliyaha Guud ee Ciidamada Milatariga Turkiga, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu, kaas oo kormeer ku sameeyey xarumo kala duwan oo ay ka mid tahay dhismaha saldhigga hawada sare ee Turkigu ka hirgelinayo dalka.

Muuqaalka ayaa muujinaya Jeneraal Bayraktaroğlu oo gaaraya goob aan markii hore la aqoonsan, balse leh ugu yaraan hal goob oo diyaaradaha qumaatiga u kaca (Helicopter) ay ku degi karaan. Waxa kale oo lagu arkayaa isagoo kormeeraya askarta Turkiga ee ku sugan xero ciidan iyo taangi nooca M48 Patton ah oo ku jira goob difaac loo diyaariyey.

Faahfaahinta ka muuqata muuqaalka ayaa muajinaysa xarun weyn oo sawirrada dayax-gacmeedku muujinayaan in laga dhisayo xeebta Soomaaliya, qiyaastii 78 kiiloomitir waqooyi-bari kaga beegan bartamaha Muqdisho.

Xarunta waxaa ka mid ah xero ciidan oo ku taalla dhinaca waqooyi ee dhismaha, halka goobaha ay ku degaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ay ku yaallaan agagaarka iridda xerada. Muuqaalku waxa kale oo uu muujinayaa in dhismayaasha ciidamada lagu rakibay shabaqyo difaac ah oo loogu talagalay in laga ilaaliyo weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Sidoo kale, gadaasha muuqaalka waxaa ka muuqday raadaar nooca STR-400G ee shirkadda Aselsan, kaas oo loo adeegsado ogaanshaha goobaha ay ka dhacaan hubka iyo madaafiicda. Gudaha xarunta ayaa sidoo kale laga qoday siddeed goobood oo gaashaaman oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo taangiyada iyo gaadiidka dagaalka.

Dhanka kale, muuqaallo baraha bulshada ku baahay bishii February ee sanadkan ayaa muujiyey taangiyo nooca Patton ah oo la sheegay in la keenay Muqdisho, taas oo dhalisay hadal-hayn ku saabsan in Turkigu hubkan u wareejinayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro xaqiijin rasmi ah oo muujinaysa in taangiyadaasi ay si rasmi ah uga mid noqdeen hubka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.