Madaxweynihii Hore Farmaajo oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo dhanyahay Soona Dhaweeyey Booqashada Museveni ee Muqdisho.

0
5

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay aqbalaadda Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ee martiqaadka uu ku imanayo magaalada Muqdisho, isaga oo ku baaqay in dalka laga hirgeliyo wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, kuna salaysan Dastuurka iyo go’aannada maxkamadeed.

Farmaajo oo qoraal uu maanta ku baahiyay bartiisa X kaga hadlay arrintan ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay wada-hadal dhab ah oo ay dhammaan dhinacyada siyaasadeed ka qaybqaataan, si loo helo xal lagu wajahayo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

Waxa uu si gaar ah u xusay in wada-hadalladaasi ay tahay inay ku salaysnaadaan Dastuurka dalka iyo go’aankii Maxkamadda Sare ee ka dhanka ahaa muddo-kordhinta uu ku tilmaamay mid aan Dastuurka waafaqsanayn ee muddada xil-haynta madaxweynaha.

Madaxweynihii hore ayaa qoraalkiisa ku muujiyay muhiimadda ay leedahay in geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya lagu saleeyo hannaan sharci ah, isla markaana la helo wadahadal loo dhan yahay oo horseeda is-afgarad siyaasadeed.

Aqbalaadda martiqaadka Madaxweyne Museveni ayaa imaanaysa xilli Soomaaliya ay wajahayso khilaaf siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, muddo-xileedka hay’adaha dowladda iyo muranka dastuuriga ah, iyadoo dadaallo kala duwan lagu raadinayo xal siyaasadeed oo dhinacyada isku soo dhaweeya.

Waqti hore Villa Soomaaliya ayaa shaacisay in Madaxweynaha Uganda aqbalay inuu soo booqdo magaalada Muqdisho inkasto waqtiga rasmiga ah ay ku tilmaameen mid hab diplomaasiyad ah loo marayo jadwaleenteedi lamana shaacin waqtiga uu imaanayo Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu sameen doono dadaalo mar kale ay isku soo hor fadhiisan doonaan hogaanka Dowladda iyo Mucaaradka Soomaaliya.