Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa aqbalay casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si uu booqasho ugu yimaado Soomaaliya, kaddib wada-hadallo ay labada hoggaamiye Isniintii ku yeesheen dalka Uganda.
Casuumaadda ayaa waxaa fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu ku guda jiray booqasho rasmi ah oo hal maalin ah oo uu ku tegay Uganda, taas oo noqotay safarkiisii labaad ee dalkaas uu ku tago muddo ka yar hal bil, kaddib booqashadii 26-kii Oktoobar.
War-murtiyeed wadajir ah oo laga soo saaray kulanka labada madaxweyne ayaa lagu sheegay in Museveni uu si wanaagsan u aqbalay casuumaadda, isla markaana waqtiga booqashadiisa lagu go’aamin doono hannaan diblomaasiyadeed.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, iyagoo isku raacay muhiimadda ay leedahay dardargelinta hawlgallada milatari ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Waxay si gaar ah ugu baaqeen ciidamada Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed inay kordhiyaan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo dhaqaale ku filan, la saadaalin karo, isla markaana joogto ah oo lagu taageero howlgalka Midowga Afrika.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ku baaqay in la helo hannaan kale oo dhaqaale loogu maalgeliyo ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah heshiis laba geesood ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Kampala.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamada Uganda (UPDF) ay dhowaan bilaabeen qorshe ka bixitaan oo wejiyo kala duwan leh, kaas oo la filayo in dhammaan ciidamada Uganda ay Soomaaliya kaga baxaan dhammaadka sannadka 2027.
Uganda ayaa ka mid ahayd dalalka ugu badan ee ciidamadooda ku biiriyey hawlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Uganda doorkii ay ku lahayd taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo gobolka, isaga oo xusay naf-hurnimada iyo dadaalka ay muujisay muddadaas.
Dhanka kale, labada madaxweyne ayaa dib u xaqiijiyey qorshayaal dhaqaale iyo ganacsi oo ay hore ugu heshiiyeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha bakhaar lagu kaydiyo badeecadaha Uganda oo laga hirgeliyo Muqdisho iyo suuragalnimada in Uganda loo sameeyo xarun dekadeed oo kor u qaadda isu-socodka ganacsiga.
Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen heshiis laba geesood ah oo ku saabsan shaqaalaha iyo qodobadii lagu heshiiyey ee la xiriiray adeegyada duulimaadyada, kuwaas oo lagu saxiixay shirkii guddiga wadajirka ah ee labada dal oo Muqdisho ka dhacay bishii Oktoobar.





