Ra’iisalwazaare cabdi faarax shirdoon ayaa la kulmey xubno ka socdey barlamaanka dalka burundi oo beryahan dalka booqasho rasmi ah ku joogey,kuwaasoo uu hugaaminayey gud.gudiga difaaca barlamanka burundi hakia zamiin.
Xubnahan ayaa hore ula soo kulmey gudoomiyaha barlamaanka iyo madaxweynaha dalka soomaaliya,waxeyna sheegeen in ay u kuur gelayaan habka ciidamada burundi uga qeyb qaataan xasilinta dalka soomaaliya isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii xiriirka labada dal u sii fiicnaan lahaa.
Ra’iisalwasaaraha ayaa sheegey kulankooda kadib in ay isku af garteen dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen uuna ku faraxsanyahey imaatinka gudigan ka socda dalka burundi,waxeyna imanayaan gudigan iyadoo dawlado kale oo afrikaan ahi hada sheegayaan in ay ciidamo hor leh u soo dirayaan dalka soomaaliya.




