Dagaal aad u culus ayaa maanta ku dhexmarey huwanta isbaheysatey iyo xarakada alshabaab,dagaalkan ayaa ahaa mid dhawaanahan aan ka dhicin nawaaxiga beerxaano,waxaana la sheegayaa in deegaanadii lagu dagaalamey ay ka jirto xaalad kacsanaan ah,iyadoo dadka ka baqayaan in dagaalku dib u soo laabto.
Deegaanada gobolka j/hoose ayaa waxaa laga dareemayaa xaalad dagaal iyo degenaansho xumo tan iyo intii ay gacan ku heynta kismaayo ay la wareegeen ciidamada huwanta amisom iyo kooxo soomaali ah,hase yeeshee kuma koobna dagaaladu gobolka j/hoose,ee waxaa la qaba gobolo badan oo dalka soomaaliya ah.
Dagaalada u dhaxeeya xarakada alshabaab iyo ciidamada huwanta ah ayaa ah kuwo joogto ah mar kastana laga dareemo deegaano badan oo dalka soomaaliya ah,waxeyna ku soo beegmayaan kuwan ugu danbeeyey iyadoo la dhimayo ciidamada kenya ee kismaayo ku sugan iyadoo lagu bedalayo kuwo ka socda dalal kale oo afrikaan ah.
Sidoo kale dagaaladan ayaa dhacaya iyadoo maamulka uu hugaamiyo shekh axmed madoobe ay wadaan qabanqaabada maamul sameyshada gobolada jubooyinka ayna sheegeen in uu shirku furmidoono 23ka bishan feberwery 2013ka.




