Awoodda Wasaarada Caddaaladda iyo Baaritaanka Dukumintiyada Ilhan Cumar oo Garsoore Mareykan ah Xadiday.

0
6

Garsoore federaal ah oo ku sugan magaalada Washington ayaa xaddiday awoodda Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka ay ku baari karto dukumentiyo laga qaaday guriga Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, kaddib baaritaan la xiriira tuhunno ku saabsan dukumentiyada socdaalka iyo jinsiyadda.

Sida ay baahisay telefishinka CNN, garsoore Matthew Sharbo ayaa shuruud ku xiray oggolaanshaha amarka baaritaanka, isaga oo dalbaday in la sameeyo hannaan gaar ah oo lagu kala shaandheeyo dukumentiyada, si loo hubiyo in baarayaashu aysan helin agabka la xiriira shaqada sharci-dejinta ee Ilhaan Cumar.

Dukumentiyada noocaas ah ayaa leh ilaalin dastuuri ah oo ku saleysan qodobka Dastuurka Maraykanka ee loo yaqaan Speech or Debate Clause, kaas oo xildhibaannada ka ilaaliya in lagula xisaabtamo qaar ka mid ah hawlahooda rasmiga ah ee sharci-dejinta.

Warbixinta CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada la haayo, balse garsooruhu uu diiday in diiwaannada la xiriira shaqada sharci-dejinta loola dhaqmo sidii dukumentiyo caadi ah. Arrintan ayaa keeni karta in baaritaanka federaalku uu waqti dheeraad ah qaato.

Baaritaanka ayaa la xiriira tuhunno ku saabsan xog ku jirtay dukumentiyada socdaalka iyo jinsiyadda Ilhaan Cumar oo soo taxnayd tobannaan sano. Xildhibaannaddu waxay beenisay inay wax sharci-darro ah samaysay, iyadoo tallaabooyinka lagu qaaday ku tilmaantay kuwo siyaasadeysan oo iyada lagu bartilmaameedsanayo.

Si kastaba ha ahaatee, xaddidaadaha uu garsooruhu soo rogay macnaheedu ma aha in la laalay amarka baaritaanka ama la hakiyay baaritaanka laftiisa.