Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in kuraasta baarlamaanka federaalka ee deegaannada aan doorashadu ka dhici karin ama aan ka qaybgelin hannaanka doorashada lagu matali karo kuraasta laga soo doorto deegaanno kale oo dalka ah.
Guddoomiyaha guddiga ayaa sheegay in nidaamka doorasho ee ay diyaarinayaan uu ku dhisan yahay hal deegaan doorasho oo dalka oo dhan ah, taas oo uu ku macneeyay in kuraasta baarlamaanka federaalku matalaan dalka oo dhan, iyada oo aan matalaadda kursigu ku koobnayn deegaanka laga soo doortay.
Waxa uu tusaale u soo qaatay in kursi laga soo doorto degmooyinka Karaan, Gaalkacyo ama Baydhabo uu matali karo dalka oo dhan, isaga oo xusay in guddigu qaabkan u adeegsan doono qabashada doorashada federaalka.
Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale sheegay in doorashada laga qaban doono deegaannada ay guddigu gaari karaan, isaga oo tilmaamay inay jiraan meelo dalka ka mid ah oo aan la tegi karin sababo la xiriira amni-darro iyo deegaano aysan awoodin inay ka qabtaan doorashooyinka.
Hadalka guddiga ayaa imanaya iyadoo ay jiraan maamullada Puntland iyo Jubbaland oo aan qayb ka ahayn hannaanka doorashada ee hadda la diyaarinayo, halka ay sidoo kale jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo ku saabsan habka loo qabanayo doorashada dalka.
Guddoomiyaha guddiga ayaa sheegay in shaqada hay’addiisu tahay hirgelinta doorashooyinka ku cad sharciga, isaga oo xusay in doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo goleyaasha wakiillada ee maamullada qaarkood hore loo soo dhammaystiray, halka ay hadda u diyaar garoobayaan doorashada heer federaal.
Waxa uu intaas ku daray in guddigu doonayo inuu doorashada ku qabto deegaannada ay suuragalka tahay in la gaarsiiyo, isaga oo ku adkaystay in nidaamka hal deegaan doorasho uu saldhig u yahay qorshahooda.




