Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay jadwalka doorashooyinka ay shaaciyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaas oo qeexaya qabashada doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka iyo tan madaxweynaha dalka.
War-saxaafadeed ay xukuumaddu soo saartay Khamiista, 15-ka Oktoobar 2026, ayay ku sheegtay in jadwalkani yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo xoojinta dimuqraadiyadda dalka.
Xukuumaddu waxay sheegtay inay 18-kii bilood ee la soo dhaafay dadaal ugu jirtay sidii dhinacyada siyaasadda Soomaaliyeed ay heshiis uga gaari lahaayeen arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka.
Waxay sidoo kale caddeysay in wadatashiyada iyo wada-hadallada siyaasadeed ay sii socon doonaan, iyadoo sheegtay inay ka shaqaynayso sidii dadaalladaasi u horseedi lahaayeen is-afgarad ballaaran.
Xukuumaddu waxay ku adkaysatay in soo dhoweynta jadwalka doorashooyinka iyo sii wadidda wada-hadalladu ay yihiin laba dadaal oo is-dhammeystiraya, kuwaas oo ay ku tilmaantay kuwo qayb ka ah mas’uuliyadda dowladda ee ilaalinta xasilloonida, midnimada qaranka iyo xaqa dastuuriga ah ee muwaadiniinta.





