Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug, taas oo qabsoontay 30-kii Sebtembar 2026.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu Maxkamadda Sare u gudbiyay codsi ku saabsan ansixinta kama dambaysta ah ee natiijada doorashada.
Maxkamaddu waxay sheegtay in ay dib u eegtay dukumentiyada la xiriira codsiga, isla markaana ay xaqiijisay in aan la soo gudbin dacwad waafaqsan qodobka 73-aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo ka hor imanaysa natiijada doorashada ku-celiska ah ee Galmudug.
Sidoo kale, Maxkamaddu waxay tixraacday qodobbada sharciga doorashooyinka iyo habraaca u degsan ansixinta natiijooyinka doorashooyinka, kuwaas oo awoodda ansixinta kama dambaysta ah siinaya Maxkamadda Sare, kaddib marka guddiga doorashooyinku si ku-meel-gaar ah ugu dhawaaqo natiijada.
Liiska natiijada ku jirta go’aanka Maxkamadda ayaa xusay musharraxiin ku guuleystay kuraas ay ku tartameen ururro siyaasadeed oo kala duwan.













