Ururka SYOA ee u dooda xuquuqda dhalinyarada oo aqoon isweydaarsi ku qabtey gudaha magaalada beledweyne.

0
548

Ururka u dooda xuquuqda dhalinyarada ee SYOA ayaa maanta ku qabtey aqoon isweydaarsi aad u balaaran oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha bulshada degmada beledweyne,sida dhalinyarada,haweenka,odayaasha dhaqanka,culimada diinta iyo marti sharaf kale.

Ururkan SYOA ayaa hore u sameyn jirey aqoon isweydaarsiyada iyo wacyigelinta bulshada iyado isla markaa qabata tartano isport laguna aqoon jirey gobolka banaadir ayey hada u gudubtey gobolada sh/dhexe,hiiraan kuna hamineysa in ay gaarto dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalku ka koobanyahey.

Ururk SYAO waa markii ugu horeysey ee uu u gudbiyo hawlahiisa gobolka hiiraan,isagoo sheegey in ay xafiis iyo xarun ka hawlgasha gobolka hiiraan ay si rasmi ah uga furi doonaan magaalada beledweyne,iyagoo gobolka sh/dhexena hore uga furey xarun arinkan ayaa imanaya kadib la wareegida gobolo ay shabaab ka talin jireen oo laga qabsadey.