“C/llah Ciil Moge” Saxaafada Ma Ahan In Ay Ku Xad Gudbaan Masuliyiinta Dowlada Iyo Shaqsiyado Kale Waa Iney Ku Dhaqmaan Qodobadaani.

0
515

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya oo maanta soo bandhigtay Xeerka Saxaafada iyo Warbaahinta Sawirro

Kulankaani wada tashi oo socday muddo labo maalmood, loogana hadlayay xeerka Isgaarsiinta iyo Warbaahinta ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Hotelka Jazeera Ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaani ayaa Waxaa ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee warbaahinta iyo Shirkadaha Isgaarsiinta ee dalka Iyadoona maanta qeybtiisa labaad looga hadlay xeerka Saxaafada iyo Warbaahinta Madaxa Banaan Ee Ka Howlgala Guud Ahaan Dalka Somalia.

Wasaarada Warfaafinta Boostada, isgaarsiinta iyo Gaadiidka Ay Waxa Ay soo bandhigtay xeerka saxaafada oo sanadii 2007-dii ay soo diyaarisay dowladdii KMG ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf kaasoo uu ansixiyay Baarlamaanka Dalka.

Ibraahim Isaaq Yarow Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta ayaa sheegay in muddo labo todobaad loo baahan yahay in talooyin kaga soo dhiibtaan warbaahinta qeybaheeda kala duwan, waxaana loo saaray gudiyo inay fikradahooda u soo gudbiyaan Wasaarada, si wax ku daris iyo ka bedel loogu sameeyo.

C/llahi Ciil Moge Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in sharcigan uu kala xadeeyo saxaafada, isla markaana wixii xuquuq ay leedahay uu siiyo, aysan ku xadgudbin shaqsiyaad kale, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay inay talo ku yeeshaan ka hor inta aanu Baarlamaanka meelmarin.