Shir Ay Soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafint, Boostada Isgaarsiinta, iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Islamarkaana Ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), wasiirka Warfaafhinta, Boostada, Isgaarsiin iyo Gaadiidka mudane C/llaahi Ciil-mooge Xeris, wasiir kuxiggeenkiisa mudane Ibraahim Isaaq Yaroow, mudaneyaal ka tirsana Baarlamaanka Soomaaliya,madaxda shirkadaha Isgaarsiinta dalka, fananniinta hobollada Qaranka Waaberri iyo marti Sharaf Kale Ayaa Waxa Uu Ka Dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho.
Kulanka Ayaa waxa looga tashanayay xeerka nidaaminta Isgaarsiinta iyo Warbaahinta waddanka uu leeyahay, iyadoona Mudo 2maalmood uu socon doono Kulankaasi.
Ugu Horeyn shirka waxaa khudbad ka jeediyay wasiirka Warfaafinta mudane C/llaahi Ciil-mooge Xersi, isaga oo faah faahin ka bixiyay qaar ka mid ah qodobbada xeerka Oo Ay Wazaaradiisa soo saartay.
Mudane C/ Faarax Shirdoon Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga mahadceliyey shirkadaha Isgaarsiinta dalka doorkii ay Ka qaateen mudadii adkeyd ee uu dalka soo maray, isla markaana Isgaarsiinta Soomaaliya ka jirta ay aad uga horumarsan tahay waddammo badan oo adduunka Ka Tirsan.
Sidoo kale Mudane Saacid ayaa soo jeediyay in shirkadaha Isgaarsiinta dalka ay sameeyaan Sanduuq dhexe oo ay taageero Maaliyaddeed ugu shubaan dowladda dhexe, markii ay gutaan waajibaadka lagu leeyahay ee ah bixinta cashuurraadka kaddib, taasi oo uu sheegay in ay u noqon doonto Taariikh Baal dahab Ah ka gasha shirkadaha Isgaarsiinta Dalka Somalia.




