Senator Farxaan Cali Xuseen ayaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday in wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha looga yeero Golaha, si wax looga weydiiyo waxa uu ku tilmaamay khatarta sii kordheysa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado gudaha Soomaaliya.
Senator Farxaan ayaa sheegay in walaac laga qabo dhacdooyin la xiriira weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo sida uu sheegay sababay dhimashada dad rayid ah, iyadoo qaar ka mid ah dadka waxyeelladu gaartay aan la horgeyn maxkamadaha awoodda u leh dacwaddooda.
“Waxa halkaas ka dhacay dad la laayay iyaga oo aan la hor keenin maxkamadihii sharciga u lahaa. Mar afar ayaa lagu dilay drone, marna toban ayaa lagu dilay,” ayuu yiri Senator Farxaan, isaga oo Golaha ka hor sheegay in arrintan ay u baahan tahay in si dhab ah loo baaro.
Senatorku wuxuu sheegay in isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu noqday arrin si weyn uga dhex muuqata bulshada Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in la sameeyo guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaraya dhacdooyinka la xiriira duqeymaha iyo khasaaraha ka dhasha.
“Waxaan soo jeedinayaa in Guddoomiyuhu u saaro guddi xaqiiqo-raadin ah meel kasta oo arrintan laga sheegayo,” ayuu yiri.
Waxa uu sidoo kale Golaha ka codsaday in loo yeero wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, iyo dhammaan mas’uuliyiinta ay khusayso arrintan, si Golaha looga hor keeno xog rasmi ah oo ku saabsan sida loo isticmaalo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo cidda masuuliyadda ka qaadda marka ay dhacaan khasaarooyin rayid.
Senator Farxaan ayaa ku dooday in baaritaan madax-bannaan uu muhiim u yahay xaqiijinta dhacdooyinka iyo kala saaridda hawlgallada amni ee sharciga waafaqsan iyo dhacdooyinka u baahan in si gaar ah loo baaro.
Wuxuu xusay in Soomaaliya horey u isticmaali jirtay guddiyo xaqiiqo-raadin ah marka ay dhacaan dhacdooyin xasaasi ah, isaga oo ku baaqay in habkaas loo adeegsado dhacdooyinka la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.













