Weerarkii Cirka ee Lagu Dhaawacay Taliyihii Hore ee Ciidanka Asluubta oo Madaxweynayaashii Hore Dalbadeen Baaritaan.

0
4

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul uga hadlay duqeyn habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo, taas oo lagu bartilmaameedsaday hoyga uu halkaasi ka deggenaa Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in weerarka uu ahaa isku day lagu khaarajinayay Jeneraal Mahad, isaga oo si toos ah ugu eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ka dambeysay weerarka.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in weerarku uu qayb ka yahay waxa uu ku tilmaamay “shirqoolo siyaasadeed oo si weyn loo abaabulay”, isagoo ku baaqay in hay’adaha ammaanka aysan ku lug yeelan khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

Shariif ayaa sidoo kale cambaareeyay khasaaraha ka dhashay duqeynta, isaga oo ka digay in falalka noocan ah ay sii xoojin karaan khilaafaadka siyaasadeed isla markaana dhaawici karaan kalsoonida beesha caalamka ee ku aaddan dadaallada dib u dhiska hay’adaha ammaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu dhaawac kasoo gaaray weerarka drone-ka ee lagu qaaday hoygiisa.

Farmaajo ayaa ku tilmaamay weerarka mid dhaawacaya dadaallada dowlad-dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dowladda in si degdeg ah loo sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu xaqiijinayo cidda ka dambeysay weerarka iyo ujeeddadiisa.

“Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed waa mid siyaasadeed, waxaana xal looga raadin karaa wadahadal iyo dib u heshiisiin,” ayuu yiri Farmaajo, isaga oo ka digay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo tallaabooyin rabshado wata ama beegsi siyaasadeed.

Weerarka Doolow ayaa kusoo beegmaya xilli uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan xaaladda Koonfur Galbeed iyo murannada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada siyaasadeed ee ka aragtida duwan.

Labada madaxweyne ee hore waxay ku baaqeen in dhacdada Doolow lagu sameeyo baaritaan hufan oo madax-bannaan, si loo ogaado xaqiiqada weerarka, cidda ka dambeysay iyo mas’uuliyadda ka dhalan karta.